Manchester City ayaa ka cabsi qabta inay weyso Kevin De Bruyne bilowga xilli ciyaareedka Premier League ka dib markii uu muruqu dilaacay intii lagu jiray kulankii Final-ka champions League ee ay la ciyaareen Inter Milan.
Kooxda Pep Guardiola ayaa ku guulaystay champions League xilli ciyaareedkan markii ugu horaysay ee taariikhdooda.
De Bruyne ayaa kaliya ciyaaray 30 daqiiqo kadib markii uu ka dhaawacmay muruqa.
Xiddiga reer Belguima ayaa muddo 2 bilood ah ku ciyaarayay dhaawaca waxana uu sii wadi kari waayay kulankii Final-ka champions League.
Wargayska Telegraph ayaa sheegaya in De Bruyne uu garoomada ka maqnaan doono muddo 3 bilood ah taas oo keenaysa in uu seego bilowda xilli ciyaareedka.

Related



Source link