Xiddiga kooxda Man City ee Kevin De Bruyne ayaa halis ugu jira in uu garoomada ka maqnaado muddo dheer kadib dhaawac soo gaadhay kulankii furitaanka Premier League.
Xiddiga Kevin De Bruyne ayaa dhaawac uga baxay kulankii jimcihii ay Man City ka badisay kooxda Burnley kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.
Kevin De Bruyne Ayaa lagu soo waramayaa in uu wajahayo qaliin uu maro kadib dhaawacii soo gaadhay kulankii Burnley.
Hadii uu xiddigu qaliinka maro waxa la filayaa in uu muddo bilo ah garoomada k maqnaado si uu uga soo kabsado dhaawaca.
Arintan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Man City kuwaas oo doonaya in ay u tartamaan ku guulaysiga koobabka xilli ciyaareedkan
Related