Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda PSG ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane iyaga uu u arka badalka Lionel Messi (Le Parisien).
Xiddiga kooxda Man City ee Kyle Walker ayaa iska diiday Liverpool waxana uu doonayaa in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man City (Mail).
Xiddiga Man City ee Bernardo Silva ayaa dalab waali ah ka helay koox ka ciyaart horyaalka sucuudiga (Athletic).
Kooxda Al-Ittihad ayaa diyaarinaysa dalab Rasmi ah oo ay ka gudbinayso xiddiga kooxda Tottenham ee Son Heung-min (ESPN).
Xiddiga khadka dhexe ee  Declan Rice ayaa diyaar u ah in uu ku biiro kooxda Arsenal bisha dambe (Mail).
Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Marcus Rashford ayaa ku dhaw in uu heshiis wakhti dheer ah u saxiixo kooxda Man United (Mail).
Xiddiga kooxda chelsea ee Kai Havertz ayaa chelsea u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Arsenal (ESPN).
Xiddiga kooxda Arsenal ee Thomas Partey ayaa ogolaansho loo siiyay in uu isaga tago kooxda xagaagan (90min).
Xiddiga kooxda Everton ee Jordan Pickford ayaa iska diiday ku biirista Man United waxana uu ku faraxsanyahay kooxdiisa (Mail).
Napoli ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Victor Osimhen laakiin waxa ay diyaar u tahay in ay kska iibiso hadii uu diido (Metro).
Xiddiga kooxda Man City ee Ilkay Gundogan ayaa xaqiijiyay in uu xidhiidh ka helay kooxdiisii hore ee Dortmund laakiin uuna doonayn in uu ku laabto Bundesliga (Goal).

Related



Source link