Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda PSG ayaa isku dayaysa in ay Bayern Munich ka afduubato saxiixa xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane (Independent).
Kooxda chelsea ayaa dhinaceeda isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Juventus ee Dusan Vlahovic (Mail).
Man City ayaa xiddiga Bayern Munich ee Benjamin Pavard ka dhigatay xiddiga ay ku badalayso Kyle Walker oo ku dhaw Bayern Munich (Guardian).
Kooxda Juventus ayaa ku biirtay baacsiga xiddiga daafaca ka ciyaara ee Kyle Walker (Mail).
Kooxda reer France ee Marseille ayaa doonaysa saxixa xiddiga kooxda chelsea ee Pierre-Emerick Aubameyang (Relevo).
Kooxda Liverpool ayaa ku biiri doonta tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga kooxda Brighton ee Moises Caicedo (Talksport).
Liverpool ayaa la filayaa in ay aqbasho dalab lacageed oo dhan 10 milyan oo euro kaas oo ay kooxda sucuudiga ka ciyaarta ee Al Ettifaq ku doonayso kabtankeeda Jordan Henderson (Football Insider).
Kooxda sucuudiga ka ciyaarta ee Al-Nassr ayaa wadahadalo kula jirta xiddiga Bayern Munich ee Sadio Mane (Ariadhiah).
Kooxda PSG ayaa diyaar u ah in ay u dhaqaaqdo xiddiga kooxda Napoli ee Victor Osimhen si ay ugu buuxiso booska Kylian Mbappe (Sport).
Kooxda Barcelona ayaa isaga baxday xiisaha ay u qabtay saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Joao Cancelo (Sport).
Kooxda Liverpool ayaa midkood u dhaqaaqi doonta xiddigaha Romoe Lavia, Kalvin Philips, Ryan Gravenberch Iyo Sofyan Amrabat hadii uu Fabinho ku biiro horyaalka sucuudiga (Athletic).
Xiddiga Fabinho ayaa saacadaha soo socda tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Al-Ittihad (Sky Sport).
Kooxda Man United ayaa u baahan in ay iska iibiso daafaca Harry Maguire si ay ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Axel Disasi (Florian Plettenberg).
Kooxda Barcelona ayaa u dhaqaaqi karta saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Bernardo Silva (Mundo Deportivo).
Inter Milan ayaa isaga baxday baacsiga ay ugu jirto saxiixa xiddiga Romelu Lukaku kadib markii ay ogaatay in uu wadahadalo kula jiro Juventus (Fabrizio Romano).
Xiddiga Alphonso Davies ayaa diyaar u ah in uu sii joogo Bayern Munich maadama uu doonayo in uu xagaaga dambe ku biiro Real Madrid (Bild).
Related