Waxa fooda inagu soo haya suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu isu diyaarinayaan in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Iyada oo suuqu furmi doono bisha dambe kooxaha ayaa isku diyaarinaya in ay haatanba bilaabaan dadaalda ay saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda.
Man United ayaa doonaysa in ay la soo saxiixato xiddigaha Harry Kane, Decland, Rice iyo Mason Mount suuqa xagaaga (Sky Sport).
Real Madrid ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula saxiixan karto xiddiga Harry Kane (Cadena Ser).
Man United ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddigaha Donny van de Beek iyo Scott McTominay si ay ugu dhaqaaqdo saxiixa Mason Mount (Sun).
Kooxda Man United ayaa wadahadalo la bilowday wakiilka xiddiga kooxda Juventus ee Adrien Rabiot si ay xiddiga u helaan suuqa xagaaga (Nicolo Schira).
Kooxaha chelsea iyo Liverpool ayaa isku baacsanaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Southampton ee Romeo Lavia (Times).
Kooxda Ac Milan ayaa wadahadalo la furtay xiddiga Liverpool ee Roberto Firmino si ay qaab xor a ula wareegaan xagaaga (Calciomercato).
Kooxda Man United ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Leeds United ee Tyler Adams (Football Insider).
Mohamed Salah ayaa ka fiirsanaya in uu isaga tago kooxda Liverpool kadib markii ay Reds ku fashilantay u soo bixista champions League (Twitter).
Kooxda PSG ayaa diyaar u ah in ay U dhaqaaqdo saxiixa Salah hadii uu go’aansado in uu isaga tago Liverpool suuqa xagaaga (i Sport).
Xiddiga kooxda PSG ee Lionel Messi ayaa la xaqiijiyay in uu ku biiri doono kooxda Al-Hilal (SBC).
Real Madrid ayaa ogolaatay in ay 100 milyan iyo gunooyin kula wareegto xiddiga khadka dhexe ee kooxda dhexe uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Jude Bellingham, iyadoo heshiiskan uu si rasmi ah u dhici doono marka uu dhamaado xilli ciyaareedka Bundesliga (Marca).
Kooxda Real Madrid ayaa sidoo kale Eden Hazard iyo Lacag ku soo xero galin karta Harry Kane suuqa xagaaga (Cadena SER).
Kooxda Chelsea ayaa bixisay lacag ka badan inta ay PSG ka bixisay saxiixa xiddiga kooxda Sporting Libson ee Manuel Ugarte si ay ugu garaacdo saxiixa kooxda reer France (Record).
Kooxda Chelsea ayaa Ugarte ka saxiixanaysa heshiis 6 sano ah iyada oo heshiisku ku dhawyhaya in la dhamaystiro (Sport 890).
Manchester United ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto daafaca midig ee Bayer Leverkusen Jeremie Frimpong, iyadoo labada kooxood ay wadahadalo horumar leh ku jiraan (Bil).
Liverpool ayaa doonaysa in ay xagaagan la soo wareegto daafac cusub oo garabka midig ah waxayna xiriir la samaysay Bayern Munich oo ay ka doonayso xiddiga Benjamin Pavard kaas oo ku sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa (Kicker).

Related



Source link