Saxiixa cusub ee kooxda Arsenal ee Kai Havertz ayaa markii ugu horaysay tababar la qaatay kooxdiisa cusub ee Arsenal.
Xiddiga reer Germany oo 3 sano ku qaatay chelsea ayaa la qaatay kooxdiisa cusub tababar kadib markii uu maanta ku soo laabtay tababarka.
Mikel Arteta ayaa doonaya in uu qaab ciyaareed fiican ka soo saaro xiddiga 18-kii bilood ee ugu dambeeyay hogaaminayay weerarka kooxda chelsea.
Havertz ayaa la filayaa in uu todobaadkan ciyaaro kulankiisii ugu horeeyay ee Arsenal marka ay Gunners bilaabato kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Xiddiga Havertz ayaa khadka dhexe uga ciyaari doona kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan sida ay sheegayaan wararku.
Related