Xiddiga qarka u saaran ku biirista kooxda Arsenal ee Kai Havertz ayaa u muuqda mid haatanba xaqiijuyay lambarka uu u xidhan doono kooxda Arsenal.
Gunners ayaa qarka u saaran in ay dhamaystiraans axixia xiddiga kadib markii ay chelsea kala heshiiyeen qiimaha xiddiga.
Xiddiga reer Germany ayaa noqonaya saxiixa ugu horeeya ee ay Arsenal samaynayso suuqa kala iibsiga xagaaga.
Xiddiga Havertz ayaa si maldahan u sheegay in uu Arsenal u qaadan doono No.29 oo uu sido kale u xidhan jiray kooxda chelsea intii uu joogay.
Havertz ayaa shaaca ka qaaday sababta uu u qaatay No.29 waxana uu yidhi””Markii aan yaraa, waxaan had iyo jeer walaalkay iga yar la ciyaari jiray FIFA ama Pro Evolution Soccer”.
“Waxa aan mar walba ku tartami jirnay ciyaarta, walaalkay ayaa xidhan jiray No.29 markii aan bilaabay ciyaarista kubada cagta kuna biiray Leverkusen waxa aan doortay in aan qaato Lambarkaas oo ahaa mid banaan”.
“Markii la i waydiiyay sababta waxa aan u sheegay in aan walaalkay dartiis u qaadan doono, mararka qaar Lambarkaas nasiib ayuu ii leeyahay cid walbana way garanaysaa”.

Related



Source link