Ray Parlor ayaa ku taageeray Kai Havertz inuu ku daydo Martin Odegaard kadib markii uu 65 milyan ugu biiray kooxda ugana wareegay kooxda chelsea.
Xiddiga reer Germany ayaa heshiis 5 sano ah u saxiixay kooxda Arsenal kadib markii uu soo afjaray 3 sano oo uu joogay kooxda chelsea.
Havertz ayaa dhaliyay 19 gool 91 kulan oo Premier League ah oo uu u saftay Blues waxana uu dhaliyay goolkii guusha 2021 finalkii champions League ee ay wajaheen Manchester City.
Xilli ay chelsea ku dhamaystay kaalinta 12-aad xlli ciyaareedkii hore, Havertz ayaa ku biiray Arsenal oo ku tartamaysay horyaalka premier League.
Parlour waxa uu aaminsan yahay in Havertz uu u noqon doono ‘Saxiix aad u wanaagsan’ kooxdiisii hore waxana u sheegay in uu ku daydo Odegaard kaas oo qaab ciyaareed fiican ku qaadana Arsenal.
“Kai Havertz waxa uu haystaa fursad aad u weyn”ayuu Parlour yidhi.
“Uma maleynayo inaan aragnay Havertz dhabta ah labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, gaar ahaan ka dib markii Thomas Tuchel uu ka tagay kooxda”.
“Waxaan qabaa inuu noqon karo saxiix aad u wanaagsan. waxad u baahantahay xiddig tayo leh boos kasta waxana aan filayaa in uu ka ciyaari karo boosas badan inta uu joogo Arsenal”.
“Marar meelo badan laga eego waxa uu la mid yahay Martin Odegaard, waxa aan qabaa in uu ku daydo Odegaard kaas oo haatan si fiican uga ciyaara Arsenal”.
Related