Real Madrid ayaa doonaysa in ay caawiso Karim Benzema in uu xididga Robert Lewandowski ku garaaco gool dhalinta La Liga xilli ciyaareedkan sida laga soo xigtay Diario AS.
Xiddiga reer France ayaa haatan 4 gool ka dambeeya xiddiga reer Poland iyada oo Benzema leeyahay 17 gool halka uu Lewandowski leeyahay 21 gool.
Real Sociedad marka laga reebo, ma jiri doonto koox weyn oo la ciyaari doonta Barcelona 4-ta kulan ee ugu dambeeya horyaalka La Liga.
Dhanka kale Real Madrid ayaa la ciyaari doonta kooxaha Sevilla, Athletic Bilbao ka hor inta uuna dhamaan xilli ciyaareedka La Liga.
Sidaas darteed Benzema ayaa u baahan in uu dhaliyo gool dhamaan kulamada u dhiman sidoo kale Lewandowski ku fashilmo in uu wax gool ah dhaliyo kulamada u dhiman.

Related



Source link