Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga Kai Havertz kaas oo ay kala heshiisay kooxda Chelsea iskuna diyaarinayso in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga.
Xiddiga reer Germany ayaa ku biiri doona Liis xiddigo badan oo isaga gudbay kooxaha reer London ee chelsea iyo Arsenal sanadihii ugu dambeeyay.
Xiddiga khadka dhexe ee Jorginho ayaa ahaa xiddigii ugu dambeeyay ee ka tagay chelsea kuna biiray kooxda Arsenal kaas oo suuqii January ku biiray Gunners.
Laakiin waxa jira xiddigo badan o u soo ciyaaray chelsea laakiin ku dambeeyay kooxda Arsenal sanadihii ugu dambeeyay.
Hadaba Halkan hoose kaga bogo Liiska xiddigaha ka tagay chelsea una dhaqaaqay kooxda Arsenal.
William Gallas
Lassana Diarra
Yossi Benayoun
Petr Cech
David Luiz
Willian
Jorginho
Ashley Cole
Related