Kooxda Juventus ayaa qarka u saaran saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo ku dhaw saxiixa xiddiga kooxda Lille ee Timothy Weah.
Juventus ayaa kooxda reer France ee Lille kala heshiisay qiimaha xiddiga oo ku kacaya lacag dhan 12 milyan oo euro sida laga soo xigtay Ben Jacobs.
Timothy Weah ayaa horay heshiiska shaqsiga ah ula gaadhay kooxda Juventus waxana uu ogolaaday heshiis 5 sano ay oo uu kula joogayo kooxda reer Italy.
Xiddiga reer America ayaa haatan isku diyaarinaysa in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda Juventus si uu u dhamaystiro heshiiskiisa.
Xiddiga Timothy Weah ayaa noqon doona saxiixa ugu horeeya ee ay samayso kooxda Juventus inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Related



Source link