Juventus ayaa u sheegtay kooxaha Chelsea iyo Manchester United in Dusan Vlahovic aanu iib ahayn xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in ay labada kooxood ee premier League diyaarinayaan dalab Rasmi ah oo ay ku doonayeen saxiixa xiddiga.
Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay Vlahovic ka dhigtay bartilmaameedkeeda ugu sareeya ka hor suuqa kala iibsiga xagaagan waxana ay haatanba ka gudbisay dalab 70 milyan ah.
Vlahovic ayaa kaliya ku biiray Juve sanadkii hore laakiin waxaa la sheegay in uu doonayo in uu isaga tago Turin kadib markii uu ku dhibaatooday kooxda.
23-sano jirkaan, ayaa Juventus u dhaliyay 23 gool 63 kulan oo uu ciyaaray halka uu xulkiisa u dhaliyay 13 gool 21 kulan oo uu u ciyaaray waxana uu xiiso ka helayaa kooxaha Man United iyo chelsea.
Madaxa kubada cagta Juventus, Francesco Calvo, ayaa u sheegay DAZN:”Xanta ma ahan wax aan xakameyn karno, laakiin suuqa kala iibsiga xitaa ma uusan furmin”.
“Dusan iib maaha. Waan ku qanacsannahay dadaalka uu bixiyo inkasta qof kasta samayn karo wax ka wanaagsan waxa uu samaynayo haatan”.
 

Related



Source link