Kooxda Juventus ayaa chelsea u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 75 milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga Dusan Vlahovic sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Italy.
Mauricio Pochettino ayaa doonaya in Chelsea ay soo qaadato weeraryahan cusub inkasta oo ay kooxdu hore ula soo wareegtay Christopher Nkunku iyo Nicolas Jackson xagaagan.
Sida laga soo xigtay Alfredo Pedulla, Chelsea ayaa wax ku saabsan xaalada Vlahovic ka waydiisay dhex dhexaadiyayaal laakiin wali wax dalab ah umay gudbin Juventus.
Wararka ayaa sheegaya in ay Juventus u sheegtay chelsea in ay bixiso lacag dhan 75 milyan oo euro iyo waliba lacago gunooyin ah si ay u iibiyaan xiddiga.
Juventus ayaa u baahan lacag waxana ay doonaysaa in ay iibiso xiddiga Vlahovic kaas oo doonaya in uu isaga tago kooxda.
Sii Akhriso: XASAASI: Al-Shabab Oo Fariin U Dirtay Dadka Reer Laasacaanood
Related