Kooxda Juventus ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Tim Weah.
Juventus xiddiga Tim Weah kala soo wareegtay kooxda Lille halkaas oo uu joogay xilli ciyaareedkii hore.
Xiddiga 23 jirka ah ayaa ka mid noqday xiddigaha ay kooxda Juventus dib u dhiska ku samaynayso waxana ay si Rasmi ah u xaqiijisay saxiixiisa.
Xiddiga Tim Weah ayaa Juventus ugu biiraya lacag dhan 12 milyan oo euro iyo hal milyan oo Gunooyin ah.
Xiddiga ayaa ka mid ah xulkii qaranka America ee wacdaraha ka dhigay koobkii adduunka ee ka dhacay dalka Qatar dhamaadkii sanadkii hore.
Related