Jurrien Timber ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu buuxiyo seddex boos ka dib markii uu ku biiray Arsenal.
Xiddiga reer Netherlands ayaa maanta si Rasmi ah ugu biiray Arsenal kadib markii uu 38 milyan ugaga soo biiray kooxda Ajax.
Xiddiga 23 jirka ah ayaa daafaca dhexe uga ciyaaray Ajax 2-dii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay sidoo kale waxa uu uga ciyaaray daafac Midig.
William Saliba & Gabriel Magalhaes ayaa Arsenal uga ciyaara daafaca dhexe waxana dhaawac xiddiga Saliba ay keentay baahida ay Arsenal u baahantahay daafac cusub.
Timber ayaa rumaysan in uu ka ciyaari karo khadka dhexe maadama ay Arsenal u ciyaarta sida Ajax oo kale sidoo kale uu ka ciyaaro karo daafaca dhexe iyo garabka daafaca.
“Waxa aan odhan karaa nasiib ayaan u leeyahay in aan ka ciyaari karo daafaca midig ee garabka, daafaca iyo waliba marar qaar khadka dhexe”ayuu Timber yidhi.
Sii Akhriso: Qarax Is Miidaamin Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho & Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxaad.
Related