Xiddiga ku dhaw kooxda Arsenal ee Jurrien Timber ayaa lagu soo waramayaa in uu dajiyay qorshe uu ku doonayo in uu joogto ugu ciyaara Arsenal bilowga xili ciyaareedka cusub.
Arsenal iyo Ajax ayaa ka heshiiyay saxiixa xiddiga Jurrien Timber iyada oo Gunners doonayso in ay ku xoojiso daafaca xilli ciyaareedka dambe.
Sida laga soo xigtay wargayska De Telegraaf, xiddiga Jurrien Timber ayaa haatanba ku soo laabtay tababarka si uu isugu diyaariyo xilli ciyaareedka cusub.
Xiddiga reer Netherlands ayaa haatanba fasxiisa ka so laabtay isaga oo ay ka go’antahay in uu qanciyo Tababare Mikel Arteta si uu joogto ugu ciyaaro Arsenal marka uu ku soo biiro kooxda.
Kooxda Arsenal ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga waxana la filayaa in uu xiddigu qalinka ku duugo heshiis wakhti fog.

Related



Source link