Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in uu ogolaaday go’aankii Liverpool ee ahaa in ay iibiso Jordan Henderson ka hor inta uuna xiddiga khadka dhexe dhamaystirin heshiiska xiddiga uu ugu dhamaystirAYO SUCUUDIGA.
Liverpool ayaa haatan heshiis 12 milyan euro la gaadhay kooxda Al-Ettifaq oo uu haatan maamulo Steven Gerrard, waxaana hadda la filayaa in Henderson uu soo gabagabeeyo ku biiristiisa Saudi Arabia.
Henderson, oo ahaa kabtanka Liverpool tan iyo bixitaankii Gerrard ee 2015, ayaa heshiis la gaaray Al-Ettifaq oo ku kacaya £350,000 todobaadkii.
Xiddiga 33 jirka ah ayaa la safray kooxda Liverpool safarka Germany ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub laakiin waxa uu ka maqnaa kulankii ugu horeeyay ee ay Reds isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Markii wax laga weydiiyay maqnaanshaha Henderson ciyaarta ka dib, Klopp wuxuu yiri: ‘Xaqiiqdii ma jirto wax la yiraahdo”.
“Hadii aan la dhamaystirin waxba, kama hadli doono, waxa jiri doonta wakhti aan ka hadli doono laakiin haatan maaha”.
“Ma garan karo in wax la go’aamiyay taas oo la macno ah in aanay jirin wax hadal ah oo laga yidhaahdo arinta”.
Sii Akhriso: Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo Dhagaysatay Dacwad Ka Dhan Ah Saraakiil Ka Tirsan Dawlada Somaliya & Magacyada Saraakiisha Oo La Shaaciyay.

Related



Source link