xiddiga kooxda Man City ee Julian Alvarez ayaa sameeyay taariikh aan abid laga dhigin kubbada cagta.
Alvarez ayaa Man City kula guuleystay champions league kulankii ka dhacay Istanbul ee ay la ciyaareen kooxda Inter Milan.
Alvarez ayaa kulankii xalay galay isaga oo horay ugu guulaysatay 3 koob oo kala duwan.
xiddiga reer Argentina ayaa xulka qarankiisa kula guulaysatay koobka adduunka dhamaadkii sanadkii hore.
sidoo kale Alvarez ayaa Man City kula guuleystay Premier League iyo FA cup xilli ciyaareedkan.
Sidaas darteed Julian Alvarez ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee taariikhda kubada cagta ku guulaysta 4 koob oo waaweyn.

Related



Source link