Xiddiga khadka dhexe ee Borussia Dortmund Jude Bellingham ayaa lagu soo waramayaa inuu diiday fursad uu ugu saxiixi lahaa Manchester City ka hor inta uusan go’aansanin in uu ku biiro Real Madrid.
Hadal haynta xiddiga 19 jirka ah ayaa si weyn u haystay wargaysyada ciyaaraha ka faalooda muddo bilo ah iyada oo dhamaan lala xidhiidhinayay kooxaha waaweyn ee reer yurub.
Liverpool iyo Real Madrid ayaa muddo dheer loo tixgeliyey labada musharax ee ugu horreeya, laakiin Reds ayaa ugu dambeyntii ka laabatay xiisaheeda sabab la xidhiidha qiimaha xiddiga oo aan ahayn mid macquul ah.
Taas ayaa keentay in ay Real Madrid hogaanka u qabato baacsiga xiddiga kuna guulaysato saxiixa xiddiga.
Laakiin sida laga soo xigtay Manchester Evening News, Man City ayaa isku dayday in ay Real Madrid ku garaacdo saxiixa xiddiga daqiiqadihii ugu dambeeyay laakiin xiddiga ayaa iska diiday xiisaha Man City.

Related



Source link