Jude Bellingham ayaa barbareeyay rikoorka gool dhalinta ee uu dhigay Cristiano Ronaldo markii uu shabaqa soo taabtay kulankii ay Real Madrid 3-0 kaga badisay Girona sabtidii.
Los Blancos ayaa seddex gool kaga badisay kooxda Girona kulan Bellingham shabaqa soo taabtay daqiiqadii 71-aad ee ciyaarta.
Xiddiga khadka dhexe ayaa dhaliyay goolkiisii 6-aad ee horyaalka La Liga kadib markii uu ciyaaray 7 kulan waxana uu bar-bareeyay rikoodh uu dhigay Cristiano Ronaldo xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.
Xiddiga da’yarka ah ayaa dhaliyay goolasha ugu badan kulamada ugu horeeya ee kooxda qarniga 1-aad waxana uu bar-bareeyay rikoodhka Halyeeyga Los Blancos.
Bellingham ayaa sidoo kale hal gool ka dhaliyay Champions League xilli ciyaareedkan, iyadoo da’yarka uu dhaliyay 7 gool tartamada oo dhan tan iyo markii uu ka yimid Borussia Dortmund xagaagii.
Related