Kabtanka Liverpool Jordan Henderson ayaa laga yaabaa inuu ka tago Anfield xagaagan.
Wararka xanta ah ee ku saabsan bixitaanka suurtogalka ah ee 33 jirka ayaa soo xoogaysanaya iyada oo wargayska L’Equipe ayaa sheegtay in Henderson uu ‘wadahadallo horumarsan’ kula jiro kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al-Ettifaq, oo uu hadda tababare u yahay saaxiibkiisii hore ee Liverpool iyo halyeeyga kooxda Steven Gerrard.
Xiddiga khadka dhexe ayaa la kulmay dhaleeceyn xilli ciyaareedkii hore iyadoo Liverpool soo qaadatay xilli ciyaareed niyad jab leh oo ay ku seegeen champions League.
Klopp ayaa isku shaandhayn weyn ku samaynaya kooxdiisa gaar ahaan khadka dhexe isaga oo haatanba keenay xiddigaha Alexis Mac Allister iyo Dominik Szoboszlai.
Doorka Henderson ee Liverpool xilli ciyaareedka dambe ayaa la filayaa in uu yaraado taas oo la macno ah in uu isaga tagi karo kooxda xili ay Liverpool wali xiiso u qabto keenista xiddig kale oo khadka dhexe ah iyada oo doonaysa Romeo Lavia.
Hadii uu Henderson ka tago kooxda waxa ay Liverpool u fududaynaysaa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe Lavia kaas oo haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay.
Sii Akhriso: Khasaare Ka Dashay Dab Qabsaday Xarun Ganacsi Oo Ku Taalla Magaalada Boosaaso.
Related