Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson ayaa macasalaameeyay xiddigaha ay isku kooxda yihiin xilli uu isku diyaarinayo in uu ka tago Liverpool.
Henderson ayaa heshiis la gaadhay kooxda Al-Ettifaq kadib markii uu maray qaybta hore ee tijaabada caafimaadka kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.
Jordan Henderson ayaa heshiis 3 sano ah u saxiixay kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga waxana la filayaa in saacadaha soo socda si Rasmi ah loogu dhawaaqo heshiiska.
Xiddiga reer England ee Henderson ayaa xalay duubay fariintii uu ku macasalaamaynayay xiddigaha ay isku kooxda yihiin iyo waliba taageerayaasha kooxda Liverpool.
Kooxda Liverpool iyo Al-Ettifaq ayaa ka heshiiyay qiimo lacageed oo dhan 12 milyan oo euro iyo gunooyin ah si uu xiddigu uga tago Anfield xagaagan.
Jordan Henderson ayaa kooxda Al-Ettifaq kula biiri doono saaxiibkiisii hore ee Liverpool Steven Gerrard kaas oo tababare u ah kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.

Related



Source link