Jordan Henderson ayaa Kooxda Liverpool ka codsaday in ay u ogolaadaan in uu ka tago kooxda kuna biiro kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al Ettifaq.
Kooxda Liveprool ayaa kabtankeeda Jordan Henderson u ogolaatay in uu ku biiro kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al Ettifaq.
Jordan Henderson ayaa xiiso ka helaya kooxda ka ciyaarta sucuudiga oo uu haatan tababare u yahay Halyeeyga Liverpool ee Steven Gerrard kaas oo doonaya in uu xiddiga ku xoojiyo kooxdiisa.
Kooxda Liverpool ayaa Jordan Henderson u ogolaatay in uu ku biiro kooxda Al Ettifaq inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Laakiin Kooxda Liverpool ayaa u shegtay Al Ettifaq in ay bixiso 10 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe xagaagan.
Kooxda Al Ettifaq ayaa doonaysay in ay qaab xor ku hesho xiddiga 30 jirka ah kaas oo 2 sano uga dhimanyahay heshiiskiisa kooxda Liverpool.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Al-Shabaab Oo La Wareegtay Saldhig Ay Ciiamada Nabad Ilaalintu Ku Wareejiyeen Ciidamada Somaliya.
Related