Jordan Henderson ayaa sheegay in uu isaga tagay Liverpool xagaagii markii uu dareemay in ayna kooxdu doonaynisaga.
Henderson oo 33 jir ah ayaa isaga tagay Liverpool isaga oo ku biiray kooxda Al-Ettifaq kana tagay Liverpool.
Xiddiga reer England ayaa loo soo bandhigay mushahar uu todobaadkii ku qaadanayo 700 kun oo Gini todobaadkii.
“Waxa aan doonaya in aan wax ka hadlo, Tababare Klopp waxa aan la leeyahay xidhiidh fiican ma sii dhex gali doono sheekada aan la yeeshay sababta oo ah waa mid shaqsi ah”.
“Laakiin waxa aan dareemay in aanan si joogto ah u ciyaari doonin maadama ay xiddigo cusub kooxda imanayaan”.
“Markii aan dareemay in aanan ciyaari doonin waxa aan go’aansaday in aan isaga tago kooxda”.
Related