Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday in John Stones uusan diyaar u ahayn inuu u ciyaaro Manchester City ilaa ka dib fasaxa xulalka bisha September.
Daafaca ayaa seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee Man City sabab la xidhiidha dhaawac sinta ah Guardiola ayaana xaqiijiyay in uu seegi doono labada kulan ee sheffield United iyo Fulham.
Stones ayaa la filayaa sidoo kale in uu seego kulamada xulka qaranka England ee is reeb-reebka Euro 2024 ee ay la ciyaari doonaan Ukriane, Poland iyo Scotland.
Guardiola ayaa yiri ka dib guushii ay City 1-0 kaga badisay Newcastle sabtidii:”John wuxuu diyaar noqon doonaa ka dib fasaxa caalamiga ah”.
29 jirkaan ayaan u safan City tan iyo markii uu ciyaaray 90-kii daqiiqo ee kulankii Community Shield ee ay guuldarada ka soo gaartay Arsenal bilowgii August.
 

Related



Source link