Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Joao Felix ayaa sheegay halka uu jecelyahay in uu uga ciyaaro kooxda Barcelona.
Felix ayaa qaab amaah ah ugu biiray kooxda Barcelona saacadihii ugu dambeeyay ee suuqii xagaaga.
“Waxaan qabaa inaan ku qanacsanahay inaan ka ciyaaro garabka weerarka ee bidix”ayuu Joao Felix u sheegay Diario Sport.
“Mar hore ayaan ka ciyaarayay halkaas in muddo ah, waxaana u malaynayaa in ay tahay meesha uu Xavi jecel yahay in uu iga ciyaarsiiyo”ayuu sii raaciyay.
Xiddiga reer Portugal ayaa si weyn ugu dhibaatooday kooxaha chelsea iyo Atletico Madrid waxana uu doonayaa in uu isku muujiyo kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan.
Related