Jean-Clair Todibo ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu u diiday fursad uu ugu biiri lahaa Manchester United xagaagii.
Daafaca dhexe ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Man United iyada oo Red Devils u doonaysay in ay ku buuxiso booska Harry Maguire.
Si kasta ha ahaatee Maguire ayaa iska diiday in uu ku biiro kooxda West Ham inkasta oo ay United aqbashay dalab 30 milyan ah.
Arintaas ayaa keentay in heshiiska Todibo bur-buro laakiin xiddiga reer France ayaa haatan sheegay sababtii uu isaga diiday kooxda Man United.
“Aad ayay u caddahay in kooxda [Nice] aysan i iibin doonin xagaagan,” Todibo, oo qandaraas kula jira ilaa 2027, ayaa u sheegay L’Equipe.
“Waxaan si qoto dheer uga fikiray [xiriirada United] waanan is dejiyay. Ma aanan rabin inaan sameeyo doorasho khaldan”.
“Waxaan filayaa in la ii soo bandhigo sawirka buuxa. maxaad iga sugaysaa? Maxaan u saxiixayaa? Waa inaadan imaan naadi adiga oo tan is weydiinaya”.
“Waxan ogaa in aan joogo kooxda Nice, haddaba maxaan uga tagayaa? Wax walba waa inay cad yihiin”.
Related