Liverpool ayaa ku dhawaaqday saxiixa Dominik Szoboszlai – Jamie Carragher ayaana durba u sheegay Jurgen Klopp booska xiga ee uu bartilmaameedsanayo.
Xiddiga Szoboszlai ayaa Reds kaga soo biiray RB Leizpig iyada oo kooxda Klopp bixisay lacagta lagu bur-burinayo heshiiska xiddiga.
Carragher Ayaana haatanba u sheegay Reds booska xiga ee ay tahay in ay Liverpool iska xoojiso ka bilowga xilli cyaareedka cusub.
Isaga oo la hadlaya Sky Sports ayaa yidhi”Waxaan qabaa inay u baahan yihiin ciyaaryahan kale oo khadka dhexe ah ugu yaraan”.
“Waxaan qabaa in Liverpool ay ku dhamaan doonto inay hesho laba ciyaaryahan oo khadka dhexe ah, waxaana filayaa inay sidoo kale u baahan doonaan daafac kale, hadii ay taasi tahay daafac dhexe iyo hadii ay tahay daafac garabka midig ah, waxaa jira hadal heyn badan oo ku aadan in Liverpool ay sii heysan doonto shaxdii ay ku ciyaarayeen dhamaadkii xilli ciyaareedka”.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Culimada Soomaaliyeed Oo War Ka Soo Saartay Kitaabkii Lagu Gubay Dalka Sweden.

Related



Source link