Chelsea ayaa Isniinta u duuli doonta USA halkaas oo ay isugu diyaarin doonaan xilli ciyaareedka cusub iyada oo Mauricio Pochettino hogaamin doono kooxda.
Laakiin iyada oo 4 maalin ka dhimantahay safarkaas, Ma jirto Liis Rasmi ah oo ah kooxda u safri doonta maraykanka iyada oo kooxdu si weyn u dhibaatoonayso.
Kooxda ka qayb qaadan doonta kulanka ugu horeeya ee Salaasada waxa uu noqon doonaa mid aan la rumaysan karin marka loo bar-bar dhigo shaxdii ay Kooxdu ku ciyaartay kulankii Newcastle ee 7 isbuu ka hor.
8 ka mid ah shaxdii kulankii ugu dambeeyay ee ay bar-baraha la galeen Newcastle ayaa ka tagay kooxda.
Xiddigaha N’Golo Kante, Pulisic, Cesar Azpilicueta, Kai Havertz, Ruben Loftus-Cheek, Edouard Mendy, Kalidou Koulibaly, Mateo Kovacic, Christian Pulisic, Joao Felix Iyo Mason Mount ayaa dhamaantood ka tagay kooxda.
Xiddigaha Romelu Lukaku, Hakim Ziyech, Pierre-Emerick Aubameyang, Callum Hudson-Odoi & Malang Sarr ayaan wali soo xaadirin tababarka kooxda.
Sii Akhriso: Ku Dhawaad 50 Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Lagu Dilay Hawl-gal Laga Fuliyay Jubbada Hoose, Qaarna Nolosha Ayaa Lagu Qabtay?
Related