Kulamada horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedka 2023-24 ayaa la soo saaray, iyadoo kooxda heysata horyaalka Manchester City ay ku bilaabatay difaaceeda horyaalka iyagoo u safraya Premier League wiilal cusub oo Burnley ah.
Kulanka ayaa ah midka daah-furka u ah xilli ciyaareedka jimcaha, Agoosto 11, sheekaduna aad ayey u fiicnaan doontaa iyadoo tababaraha Burnley iyo halyeeyga City Vincent Kompany uu soo dhaweynayo kooxdii ku guuleysatay seddexleyda koob , isla markaana uu u ciyaari jiray.
Kompany ayaana kulankiisii ugu horeyay abid ee heerka sare ah wajahaya kooxdiisa hore.
Kulanka ugu xiisaha badan ee furitaanka waa midka dhex maridoona kooxa Chelsea iyo Liverpool.
Chelsea ayaa ku marti galinaysa gurigeeda kooxda Liverpool maalinta Axada ee bisha Agoosto 13-keeda ,
waxa uu noqon doonaa kulankii ugu horeeyay ee tartan rasmi ah ee Mauricio Pochettino uu hogaamiyo kooxda Blue.
Kulamada Koowaad ee Furitaanka Horyaalka:
JIMCO 11 August 2023Burnley v Man City
SABTI 12 August 2023Arsenal v Nott’m ForestAFC Bournemouth v West HamBrighton v Luton TownEverton v FulhamSheff Utd v Crystal PalaceNewcastle v Aston Villa
AXAD 13 August 2023Brentford v SpursChelsea v Liverpool
ISNIIN 14 August 2023Man Utd v Wolves

Related



Source link