Kooxda Barcelona ayaa soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Ilkay Gundogan maalintii Isniintii waxana uu fuliyay waajibaadkiisii saxaafada waxana uu ka hadlay dookhiisa ku biirista Barcelona.
Xiddigii hore ee Man City ayaa soo afjaray 7 sano oo uu ku sugnaa kooxda Man City isaga oo saddexley koobab ah kula guulaystay xilli ciyaareedkii hore.
Gundogan ayaa shaaca ka qaaday saamaynta uu Robert Lewandowski ku yeeshay in uu ku biiro kooxda ku guulaystay horyaalka La Liga.
“Kaddib kulankii Poland vs Germany, Robert wuxuu iga codsaday inaan hadal gaaban la yeesho”.
“Kadib waxa uu bilaabay in uu igala hadlo Barcelona, Kooxda, Magaalada, qoyska iyo noloshooda, waxa aan indhihiisa ka dareemayay farxad iyo sida uu u jecelyahay in uu ka qayb ahaado kooxda”.
Gundogan ayaa qaab xor ah ugu biiray kooxda Barcelona kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray Man City isaga oo iska diiday heshiis cusub.
Sii Akhriso: Go’doominta Al-Shabab Ee Magaalada Baydhabo Oo Sii Xumaatay & Xaalado Soo Kordhay.

Related



Source link