Daafaca kooxda Liverpool Ibrahima Konate ayaa si cad ugu dhiiri galiyay Reds in ay la saxiixdaan xiddiga khadka dhexe ee kooxda Nice ee Khephren Thuram.
Xiddiga khadka dhexe ee OGC Nice ayaa la rumeysan yahay inuu ku jiro liiska xiddigaha ay Liverpool doonayso iyada oo lagu soo waramayo in ay ku dhawdahay in ay xiddiga la gaadho heshiiska shaqsiga ah.
Sida laga soo xigtay Sports Zone, Liverpool ayaa wadahadalo kula jirtay wakiilada xiddiga si ay ula gaadhaan heshiiska shaqsiga ah.
Xididga ayaa sidoo kale la sheegayaa in uu Kooxdiisa Nice u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Liverpool inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
“Khephren waa sida walaalkey iga yar oo kale,” ayuu Konate u sheegay RMC Sport.
“Waa qof aan arkay isaga oo koraya, waxa aan ahaa walaalkiis oo ka weyn waana qof cajiib ah”.
“Xitaa markii uu u yimid xulka France markii ugu horeysay ee la soo wacay, waxaan ku arkay tababarka, runtii aad ayaan ula yaabay baaxadiisa iyo fududaantiisa farsamo, aad ayaan ugu farxi lahaa inuu yimaado Liverpool”.

Related



Source link