Muqdisho (soomaalinews.com) – Howl-gal culus ayaa hadda ka socda tuulada Buula Maxamed Cabdalla goostagta degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Howl-galkan oo ay sida wadajir ah u samaynayaan Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Waxaa howl-galkaan illaa inta hadda la xaqiijiyay lagu dilay 19 ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay ku warameyso wakaaladda SONNA.

Sidoo kale waxa lagu soo waramaya in howl-galkaan wadajirka ah lagu burburiyay gaadiid iyo hub ay ku howl-gelaysay kooxda Al-Shabaab.

Wixii faah-faahin ah ee kasoo kordha isha ku hay soomaalinews.com









Source link