Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo kooxuhu u dadaalayaan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxdooda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha qaar ayaa haatanba baankooda u jabiyay saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda suuqa kala iibsiga xagaaga.
Xiddigaha Jude Bellingham, Declan Rice iyo xiddigo kale ayaa laga badiyay lacago badan iyaga oo ku biiray kooxo cusub suuqa xagaaga.
Sidii caadada ahayd horyaalka Premier League ayaa suuqa galiyay lacagta ugu badan iyaga oo ilaa haatan suuqa galiyay lacag dhan 1.29 bilyan euro.
Waxa ku xiga horyaalka Talyaaniga oo suuqa galiyay lacag dhan 476 milyan euro waana horyaalka 2-aad ee lacagta ugu badan suuqa galiyay xagaagan.
Waxa ku xiga horyaalka France iyada oo horyaalka Ligeu 1 suuqa galiyay lacag dhan 420 milyan euro halka uu ku xigo horyaalka Germany ee Bundesliga oo suuqa galiyay 414 milyan euro.
Waxa lacagta ugu yar suuqa galiyay ilaa haatan horyaalka La Liga iyada oo kooxaha ka ciyaara horyaalka Spain suuqa galiyeen lacag dhan 237 milyan euro.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Qarax Ay Ku Madheen Ciidamada Somaliya Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.
Related