Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda Atalanta ayaa dalab 30 milyan ah ka diiday Man United oo ay ku doonaysay saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Rasmus Hojlund (Corriere dello sport).
Madaxa fulinta Inter Milan Beppe Marotta ayaa xaqiijiyay xiisaha Manchester United ee ku aadan saxiixa goolhayaha Andre Onana (Mail).
Kooxda Al-Nassr ayaa doonaysa saxiixa Goolhayaha Kooxda Man United ee David de Gea (Sun).
Man United ayaa doonaysa saxiixa Goolhayaha Kooxda Feyenoord ee Justin Bijlow sabab la xidhiidha in ayna awood u lahayn in ay bixiso qiimaha Onana (Mirror).
Kooxda Man United ayaa Dortmund ka diiday dalab Rasmi ah oo ay Dortmund ka gudbisay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara ee Jadon Sancho (Star).
Kooxda Liverpool ayaa dalab 30 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Romeo Lavia (Metro).
Xiddiga daafaca ka ciyaara ee Jurrien Timber ayaa todobaadkan dhamaystiri doona ku biiristiisa Arsenal (Mirror).
Sidoo kale Arsenal ayaa doonaysa in ay todobaadkan dhamaystirto saxiixa xiddiga Declan Rice (Mirror).
Kooxda Man City aya doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Frenkie De Jong kaas oo ay u doonayaan badalka Declan Rice (Mail).
Kooxda Chelsea ayaa doonaysa in ay todobaadka dambe dhamaystirto saxiixa xiddiga Moises Caciedo (Romano).
Liverpool ayaa isha ku haysa in ay dedejiso baacsiga ay ku doonayso Khephren Thuram xilli ay doonayaan in ay saxiixa xiddiga ku garaacaan Newcastle (Rudy Galetti).
Kooxda Napoli ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Liverpool ee Ibrahima Konate kaas oo ay doonayso in ay ku badasho Kim Min-jae oo Bayern Munich ku sii jeeda (Corriere dello Sport).
Imaanshaha Dominik Szoboszlai ayaan wax saamayn ah ku yeelan doonin baacsiga ay Liverpool ku doonayso xiddiga khadka dhexe ee daafaca uga ciyaara kooxda Southampton ee Romeo Lavia (Mail).
Sii Akhriso: Madaxweynaha Ruushak: Waa Dambi In La Gubo Kitaabka Qur’aanka

Related



Source link