Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda Man United ayaa dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga kooxda Atalanta ee Rasmus Hojlund (Athletic).
PSG ayaa sidoo kale dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga Rasmus Hojlund waxana ay sidoo kale u soo bandhigtay mushaharka ka badan midka ay Man United u soo bandhigtay (Gianluca di Marzio).
Agaasimaha kooxda Juventus ee Cristiano Giuntoli ayaa ku sugan London si uu u dhamaystiro heshiiska xiddiga Romelu Lukaku (Calciomercato).
Lukaku ayaa ku sugan London xilli ay xiddigaha kale ee kooxda chelsea ku sugan yihiin isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub (Times).
Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa iska diiday kooxda Al-Hial (Sky Sport).
Ilo wareedyo u dhaw xiddiga Mbappe ayaa xaqiijiyay in uu xiddigu heshiis la gaadhay Real Madrid (Telegraph).
Kooxda chelsea ayaa iska lumisay fursadii ay kula saxiixan lahayd xiddiga Paulo Dybala kaas oo ku dhaw in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda AS Roma (Tuttomercatoweb).
Kooxda Al-Hilal ayaa ku dhaw in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Marco Verratti (Fabrizio Romano).
Liverpool ayaa kooxda Southampton kala heshiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Romeo Lavia (Athletic).
Liverpool ayaa filaysa in uu xiddiga Fabinho ku dhaw yahay in uu ku biiro kooxda Al-Ittihad (Times).
Xiddiga kooxda AJax ee Mohammed Kudus ayaa iska diiday kooxda Chelsea si uu ugu biiro Arsenal (footballtransfers).
Kooxda Al-Hilal ayaa doonaya saxixia xiddiga kooxda Barcelona ee Robert Lewandowski (Mundo Deportivo).
Kooxda Bayern Munich ayaa doonaysa saxiixa xiddigii hore ee kooxda Man United ee David de Gea (Sky Germany).
Xiddigii hore ee kooxaha Arsenal iyo Man United Alexis Sanchez ayaa si lama filaan ah ugu soo laabanaya Premier Legaue isaga oo ku dhaw saxiixa Nottingham Forest (The Sun).
Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil ee Bitello (The Sun).
Related