Saxafiga lagu kalsoonaan karo ee Fabrizio Romano oo ku takhasusay suuqa kala iibsiga ayaa shaaca ka qaaday in ay jirto xiisad sii kordheysa oo ku saabsan xiisaha Manchester City ee helitaanka saxiixa daafaca Leipzig Josko Gvardiol.
Romano ayaana boggiisa rasmiga ah ku daabacay in xiisadda u dhaxeysa Manchester City iyo Leipzig ay sii kordheyso xilli ay socdaan wadahadalo iyada oo uuna xiddigu wali dhamaystirin tijaabada caafimaadka kooxda Man City.
Labada kooxood ayaa shalay heshiis afka ah ku gaaray, waxaana maanta loo ballansanaa baaritaanno caafimaad, balse wixii intaas ka dambeeyay, waxaa xiisad ka dhalatay soo shaac bixidda heshiiska dhex maray ee ku biirista xiddiga ee kooxda Man City.
Xiddiga ayaan wali ogolaansho loo siin in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda MaN City iyada oo ay wali wadahadaladu socdaan.
Josko Guardiol ayaa haatan tababar la qaadanaya kooxda Leipzig wakhtigan xaadirka ah, heshiiska ayaan wali dhawayn in la dhamaystiro.

Related



Source link