Kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa ka baxay aamusnaantiisa xilli la isla dhexmarayay inuu u dhaqaaqayo Sacuudiga. Henderson, oo 33 jir ah, ayaa weli labo sano uga harsan tahay qandaraaskiisa Anfield, laakiin waxa uu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa Liverpool.
Liverpool ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa xiddigo khadka dhexe ah iyada oo ilaa haatan la soo saxiixatay laba xiddiga oo khadka dhexe ah.
xiddiga ayaa lala xidhiidhinayaa koox ka ciyaarta horyaalka sucuudiga iyada oo Steven Gerrard oo tababare looga dhigay kooxda Itifaq uu doonayo in uu keeno kooxdiisa.
Salaasadii Henderson ayaa bogiisa Instagram ka kaga jawaabay wararka xanta ah isaga oo soo dhigay sawiro uu tababarka ku jiro si uu isugu diyaariyo xilli ciyaareedka cusub waxana uu sii raaciyay qoraal ah”haku riyoon guusha u tababaro”.

Related



Source link