Belexaawo (soomaalinews.com) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in dhacdo argagax leh ay maanta ka dhacday duleedka degmada Belexaawo ee gobolkaasi.

Dhacdadan ayaa timid, kadib markii haweeney ku hubeysneyd mindi ama toorey ay haweeney kale ku dishay deegaanka Oodan oo hoostaga magaaladaasi.

Marxuumadda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nasro Cabduqaadir Maxamed, ayada oo haatan maydkeeda la geeyay isbitaalka Kaliil ee degmada Beledxaawo.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dilka ka hor uu laba haween oo daris ahaa uu dhex-maray muran, kadibna haweeneyda dilka geysatay ay toorey soo qaadatay, kadibna sidaaas ay ku dishay marxuum Nasro Cabduqaadir Maxamed.

Haweeneyda eedeysanaha ah oo lagu magacaabo Calaso Muxumed ayaa sidoo kale goobta isaga baxsaday, sida ay soomaalinews.com u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo haatan baadi goob ugu jira haweeneyda dilka geysatay, si gacanta loogu soo dhigo.

Dhanka kale qaar kamid ah ehellada marxuumadda oo la hadlay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay dhacdadan waxayna dalbadeen in cadaalada la horkeeno haweeneyda baxsatay.

Si kastaba, falkan argagaxa leh ayaa walaac ku abuuray dadka deegaanka oo aad uga naxay, waxaa sidoo kale dhacdadaan aad looga hadlay Beledxaawo iyo nawaaxigeeda.





Source link