Daafaca kooxda Man United ee Harry Maguire ayaan qaadan rikoodhada kulankii ay Man United guusha kaga gaadhay Arsenal kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Harry Maguire ayaan qaadan rikoodhada sabab la xidhiidha in uu doonayay in uu ka fogaado wixii dhacay Final-kii tartankii euro 2020.
Ciyaarta ka dib, Maguire ayaa lagu waydiiyay baraha bulshada sababta uu rikhoodhada u laagan waayay intii ay ciyaartu socotay ayuu ku jawaabay”Ma doonayn in aan jabiyo Kamarada”.
Maguire ayaa ka wada rikoodhadii uu qaatay Kulankii uu England la ciyaaray Italy 2 sano ka hor final-kii euro 2020 iyada oo uu Maguire cirka mariyay kubadii uu laaganayay.
Daafaca Maguire ayaa badal ku soo galay kulanka iyada oo Man United 2 gool ku hogaaminayso ciyaarta,
Xiddigaha Casemiro, Diogo Dalot, Lindelof, Marcus Rashford & Christian Eriksen ayaa rikoodhada u dhaliyay Man United halka xiddiga Fabio Vieira uu Arsenal ka khasaariyay rikoodhadiisa.
Related