Harry Kane ayaa diyaar u ahaa in uu sugo muddo 12 bilood oo kale si uu qaab xor ah ugu biiro kooxda Man United ka hor inta uusan xagaaga u dhaqaaqin Bayern Munich.
Kabtanka xulka qaranka England ayaa qaab wanaagsan ku bilowday nolosha kooxda Bundesliga ka dhisan, isagoo dhaliyay afar gool afar kulan oo uu ciyaaray, laakiin waxa uu doonayay xagaagii in uu sugo kooxda Man United sida laga soo xigtay Daily Mail.
Erik Ten Hag ayaa Kane ka dhigtay bartilmaameedkiisa 1-aad kadib markii uu baxay Cristiano Ronaldo laakiin waxa ay United u dhaqaaqday saxiixa xiddiga Rasmus Hojlund.
Kane ayaa la sheegayaa in uu xitaa diyaar u ahaa in uu sugo hal sano si uu qaab xor ah ugu biiro Man United laakiin markii uu arkay in ay United muhiimada siisay saxiixa Hojlund ayuu go’aansaday in uu u dhaqaaqo Bayern.
Isagoo ka hadlayay shirkii jaraa’id ee ka hor kulanka, Kane ayaa yiri: ‘Xagaagii waxaan ogaa in ay jireen hadalo ku sabsan dhawr koox oo doonayay saxiixaysa Bayern waxay ahayd koox aan aad u xiisaynayay oo aan ku faraxsanahay”.
“Waxa jiray hadal hayn badan markii ay Bayern dhamaystirtay heshiiskayga”.
“Ujeedkaygu waxa uu ahaa in aan ku biiro Man United, sababta oo ah waa koox weyn laakiin waxa aan go’aansaday in aan ku biiro Bayern waanan ku faraxsanahay”.
Related