Xidhiidhka kubada cagta Germany ayaa si Rasmi ah shaqada uga caydhiyay tababare Hansi Flick sida lan xaqiijiyay.
Hansi Flick ayaa shaqadiisa tababaranimo ee xulka qaranka Germany waayay kadib guuldaradii weynayd ee lama filaanka ahayd ee uu xulka Germany kala kulmay xulka Japan kulan saaxiibtinimo.
Hansi Flick ayaa waayay shaqadiisa kadib markii uu shaqada ka badalay tababarihii hore ee xulka qaranka Germany.
Xidhiidhka ayaa haatan bilaabay in ay raadiyaan tababaraha badali doona tababare Hansi Flick ee hogaamin doona xulka qaranka.
Tababare Rudi Voller ayaa si ku meel gaadh ah u hogaamin doona xulka inta laga soo dooranayo tababaraha buuxa.
Kooxda.com ayaa xusaysa in xulka Germany 9 bilood kadib ka qayb gali doono tartanka Euro 2024 oo uu marti galin doono dalkoodu.

Related



Source link