Man United ayaa lagu soo waramaya in ay u baahantahay in ay iibiso xiddigo kooxda 1-aad ah ka hor inta ayna la soo saxiixan Goolhayaha Kooxda Inter Milan ee Andre Onana.
27-sano jirkaan ayaa haatan si aad ah loola xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo Old Trafford, iyadoo tababaraha Red Devils ee Erik Ten Hag doonayo in uu helo Goolhayihiisii hore.
Heshiiska David de Gea ee kooxda ayaa haatan soo idlaaday, inkastoo ay jirto fursad uu xiddiga reer Spain dib ugu saxiixi karo heshiis cusub.
Agaasimaha guud ee kooxda Inter Giuseppe Marotta ayaa xaqiijiyay in Man United ay xiisaynayso saxiixa Onana laakiin ayna wali kooxdu wax dalab ah ka gudbin saxiix cusub.
Kooxda reer Talyaani ayaa la rumeysan yahay inay ku raadineyso lacag dhan 43 milyan oo euro si ay u fasaxdo Goolhayaha reer Cameroon.
Laakiin sida laga soo xigtay talkSPORT, kooxda Ten Hag ayaa kaliya awoodi doonta inay la soo saxiixato haddii ay iibiso xiddigo kooxda 1-aad ah.
Related