Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab 55 milyan ah ka gudbiso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea Mason Mount.
Mason Mount ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu iska diido kooxaha Arsenal iyo Liverpool si uu ugu biiro Man United.
Erik Ten Hag ayaa dhinaciisa taageero weyn u ah xiddiga Mason Mount waxana uu doonayaa in uu ku xoojiyo khadkiisa dhexe xilli ciyaareedka dambe.
Mason Mount ayaa shaki la’aan boos ka heli kara shaxda Man United ee haatan waxana uu waliba noqon doonaa xiddig joogto ugu ciyaari kara kooxda.
Hadii la qiimeeyo shaxda ay United haatan ka ciyaarta Mason Mount Ayaa ka noqon kara xiddig muhiim ah.
Wargayska Mirror ayaa soo saaray halka uu Mason Mount ka gali karo shaxda Man United ee haatan inta aan lagu soo darin wajiyo ama saxiixyo cusub.
Related