Xiddiga Ilkay Gundogan ayaa qarka u saaran in uu ku biiro kooxda Barcelona kadib markii uu la gaadhay heshiis.
Xiddiga reer Germany ayaa ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda Barcelona waxana haatan la sugayaa wakhtiga sida Rasmiga ah loogu dhawaaqayo.
Xiddiga khadka dhexe ayaa khibrad fiican u leh tartamada oo dhan waxana uu wax weyn ku soo kordhin karaa kooxda da’yarka ah ee tababare Xavi.
Hadaba waxa la soo bandhigay halka uu Gundogan ka gali karo shaxda Kooxda Barcelona marka uu dhamaystiro heshiiskiisa.
Related