Kooxda Man City ayaa dareenkooda u jeedisay saxiixa xiddiga Frenkie De Jong kadib markii ay isaga hadheen baacsiga xiddiga Declan Rice.
Guardiola ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in ay u keenaan xiddiga De Jong si uu badal ugu noqdo xiddiga Ilkay Gundogan kaas oo ku biiray Man City.
De Jong ayaa noqon doona badalka ugu fiican ee ay Man City ku buuxin karto booska Gundogan marka la eego in ay isku boos ka ciyaaraan.
Kooxda Barcelona ayaa laga yaabaa in ay iska iibiso xiddiga si ay lacag ugu hesho xoojinta kooxda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Hadaba waxa la soo bandhigay halka uu Frenkie De Jong ka gali karo kooxda Man City hadii uu ku biiro inta uu furanyahay suuqa xagaaga.
 

Sii Akhriso: Xaalada Amaanka Somaliya Oo Laga Digay Xilli Midawga Africa La Bexeen Qaybtii Ugu Horaysay Ee Ciidamadii Nabad Ilaalinta U Joogay.

Related



Source link