Qadka Dhexe Real ee Toni Kross oo falaanqeeyay kulankii xalay kooxdiisa guul-darada ay kala kulmeen Man City ayaa xusay in wax dabiici aheyn in mar waliba ku guuleystaan Championka
City ayaa xalay afar gool nadiif ah ku garaacday Real oo ay lugtii hore soo wada galeen min hal gool , waxa ayna haatan Finalka isku arkayaan Inter Milan
” Si Liidata ayaan ku biloownay ciyaarta waana tii kulankii hore oo kale , baasaskeena dhan waa qaldaanayeen”
Mar uu ka hadlayay laadkiisa birta ku dhacday waxa uu yiri” ciyaarta waa is badali laheyd haddii goolkaas dhaln lahaa ”
” Hal arin ayaan qirayaa , run ahaantii Man City waa u qalmeen guusha ay gaareen” ayuu sii raaciyay Kross
Mar la weydiiyay mustaqbalkiisa kooxda ee ah in uu sii joogayo iyo in kale waxa uu yiri”  taasi maamulka kooxda weydiiya , arintaas haatan muhiim ma aha”.
 

Related



Source link