Dhuusamareeb (soomaalinews.com) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Shir Jara’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa nasiib daro ku tilmaamay in la siyaasadeeyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab.

Cabdikariin Guuleed oo ah ergayga Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland ayaa sidoo kale farriin u diray ciidamada qaranka ee dagaalka adag kula jira Khawaarijta.

“Waxaan aad uga xumahay in dadka qaar ay siyaasadeeyeen halganka adag ee dowladdu ay ku jirto, damiirka iyo dadnimadu ma aqbali karo sida ay dadka qaar u dhaqmayaan,” ayuu yiri Guuleed.

Sidoo kale wuxuu sheegay in masuuliyadda dagaalka Khawarijta aan loo gaar yeeli karin ama looga hari karin dowladda kaliya, isla markaana loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato.

“In dadka qaar ay masaalix siyaasadeed ka dhex raadiyaan dagaalka Khawaarijta waa wax aad looga haboon yahay, arrinta dagaalka waa mid salka ku heysa jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, dadkaas waxaan leeyahay Allaha soo hanuuniyo waa fadeexade,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed.

Cabdirakiin oo tusaale u soo qaatay weerarkii Cowsweyne ayaa sheegay in la siyaasadeeyey, isla markaana ay dhici karaan weerarro kaas lamid ah, balse loo baahan yahay in laga feejignaado faafinta farrimaha u adeegaya cadowga.

“Waxaa muuqata in ciidanka lagu niyad jebinaayo hadallada siyaasiyiinta qaar, kala saara masaalixdiina siyaasadeed iyo jiritaankeena, ciidankeena qaranka waxaan leeyahay Hambalyo, waa laga guuleysanayaa cadowga mar aan fogeyn insha allah.

Cabdikariin ayaa Madaxweynaha, ciidanka iyo shacabka uga mahad celiyey sida ay dhexda ugu xirteen soo afjarida Khawaarijta ragaadisay hormarkii iyo nolosha dadka Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo





Source link