Muqdisho (soomaalinews.com) – Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Madoobe iyo Mudane Cabdi Xaashi ayaa magacaabay guddiyo cusub.

Guddiyadan cusub oo si wadajir ah u magacaabeen labada guddoomiye ayaa waxay kala yihiin; Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Qatar, iyo Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Kuwait.

Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Qatar ayaa waxa uu ka kooban yahay sagaal xubnood, waxaana guddoonka uu faray xoghayeyaasha guud ee labada Aqal in magacaabistan ay sida ugu dhaqsaha badan ugu gudbiyaan wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ee JFS, si ay ugu sii gudbiso Baarlamaanka dalka Qatar.

“Magacaabiddan ayaa waxay dhaqan-galeysaa marka at si wadajir ah u saxiixaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Sidoo kale Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Kuwait ayaa isna wuxuu ka kooban yahay shan xubnood, oo saddex kamid ah ay yihiin Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, halka labada xubnood ee kale ay yihiin Senataro ka tirsan Aqal Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Magacaabida guddiyadan ayaa waxa uu guddoonka labada Aqal u cuskaday qodobka 14(6) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka iyo qodobka 7(7) ee Xeer Hoosaadka Aqalka Sare oo dhigaya in Guddoomiye Gole kasta uu mas’uuliyadda saaran ay kamid tahay xiriirinta Baarlamaanka Adduunka.

“Markay arkeen (guddoonka labada Aqal) xiriirka iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya BJFS iyo Baarlamaanka Dalka Qatar iyo Kuwait, taariikh nololeedka xildhibaannada jyo Senatarada magacgadood hoos ku xusan yihiin, waxay si wada jir ah u magacaabeen Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Qatar, iyo Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Kuwait.”

Hoos ka aqriso magacayada;





Source link