Pep Guardiola ayaa beeniyay hadal ka soo yeeray dhigiisa Barcelona Xavi oo ahaa in Manchester City ay ka hor istaagtay Joao Cancelo inuu u dhaqaaqo kooxda suuqii January.
Cancelo ayaa ka tagay Etihad bishii January ka dib markii ay isku dhaceen Guardiola isaga oo ku biiray kooxda Bayern Munich.
Wareysi uu Xavi siiyay TV3 TV bishii hore ayuu ku sheegay in Barcelona ay xiiseyneysay in ay la soo saxiixato xiddiga reer Portugal.
Xavi ayaa sheegay in kooxda loo soo bandhigay Cancelo, laakiin markii dambe lagu wargeliyay in Man City ay diidday inay la saxiixato xiddiga.
“Waxaan rabnay Cancelo, waxa naloo soo bandhigay heshiiskiisa, anaguna waan ogolaanay”ayuu Xavi yidhi.
“Ugu dambeyntii waxay noo sheegeen in Manchester City aysan dooneyn inuu yimaado Barca”.
“Taasi waa run”
Guardiola oo Xavi soo maamulay intii uu ku sugnaa Barcelona ayaa diiday inuu dhaleeceeyo ciyaartoygiisii ​​hore markii wax laga waydiiyay hadaladii uu ka yidhi Cancelo.
Tababaraha Man City oo ka hadlayay gobolka Catalonia ayaa beeniyay in kooxdu ay ka hor istaagtay Cancelo inuu u dhaqaaqo Barcelona.
“Si qaldan ayaa loo sheegay”Guardiola ayaa yiri
“Arintaas way ka fogtahay xaqiiqada Waxaan go’aansanay in Joao ay tahay inuu baxo, mana daneynin meesha uu aadayo, xitaa hadii uu doonayo ku biirista Man United”.
“Ma dhahayo Xavi been baa loo sheegay, laakiin waxaan sheegayaa in si qaldan loo sheegay”.
“Joao wuxuu aaday Bayern sababtoo ah Bayern ayaa dooneysay. Wax dalab ah kama aanan helin Barca”.

Related



Source link